Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Carwada Wax Soo Saarka Wershadaha Dalka

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi
Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey
wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee
Hargeysa.

Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka
wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay
hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee
dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah
wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada
Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha
ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf
kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka
qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda  wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo
si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Ugu horrayn guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland,
Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay
ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wershedley
ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka
dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka
jiraa.

Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland,
Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in bulshada
looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u
tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku
maalgeliyaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo
Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad
(Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal
badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana
ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan, taasina ay marag ka tahay sida ay
xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya, Marwo
Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka
Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay
horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana ay wershedleyda
kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan
wax soo saarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku
ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab
taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka
leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo
wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo
ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka,  “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan
haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu
wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale
ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo
dalka dhaqaalihiisa  iyo shaqaalihiisu ku
xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray
carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay
carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial