Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Daah-furay Mashruuc Ballaadhan Oo Koronto Lagaga Dhalinayo Tamarta Cadceedda

Hargeysa, (Haatuf)
– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta
si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuc ballaadhan oo ay leedahay shirkadda
SOMPOWER, kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda.

Mashruucan oo laga
hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxa
madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka
Axsaabta qaranka, saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf
kale oo aad u tiro badan, ayaa furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan
faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu
keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda
ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxa shirkadda
SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka
mashruucan ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay shirkaddu usoo martay
hirgelinta mashruucan iyo dedaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo
tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi
jirey.

Xubno kamid ah
saamileyda shirkadda SOMPOWER oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah
u sharraxay faa’iidada uu mashruucani bulshada u leeyahay iyo baahida loo qabo
in mashruucan laga hirgeliyo meelo badan oo dalka kamid ah, si deegaanka loo
daryeello, loona koobo lacagaha ku baxa korontada shidaalka laga dhaliyo.

Guddoomiyaha Rugta
Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid, Marwo Edna Aadan Ismaaciil xubno kale oo
kamid ah marti-sharaftii madasha ku sugnayd oo halkaas hadallo ka jeediyey,
ayaa bogaadiyey shirkadda SOMPOWER, waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan
dedaalka ay ku jiraan.

Guddoomiyaha
xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
(Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa
iyaguna dhankooda hambalyeeyey shirkadda mashruucan hirgelisay ee SOMPOWER,
waxana ay ku adkeeyeen inay hoos u dhigaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan,
maadaama oo uu hoos u dhacay kharashkii shirkad ahaan kaga bixi jirey
dab-dhalintu.

Wasiirka
wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo
madasha daah-furka ka hadlay, ayaa shaaciyey inuu mashruucani ku fadhiyo
siyaasadda xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi gadh-wadeenka ka yahay oo ah in
dalka laga hirgeliyo mashaariic ku shaqaynaya Tamarta cusboonaata, si looga
durko ku tiirsanaanta tamarta shidaalka laga dhaliyo, maadaama uu jidkaasi
yahay mid dunidu waqti hore ka gudubtay, islamarkaana ay wasaarad ahaan
hirgeliyeen siyaasad iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa korontada dalka.

Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey
munaasibadda, ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo
dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku
dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Madaxweynuhu waxa
uu caddeeyey inay xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah
(Free market), islamarkaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu
horumarayo, “Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida
Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay
dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa
xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka
dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mashruucan oo
muddo laba sanno iyo badh socday, ayaa laga dhalinayaa koronto awooddeedu
gaadhsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat), islamarkaana daboolaya 80%
(boqolkiiba siddeetan) baahida koronto ee caasimadda Hargeysa taalla, waxana ku
baxday lacag dhan $20,000,000 (Labaatan milyan) oo Dollar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial