Latest News

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Kulano La Yeesho Hoggaamiyeyaasha Dalalka Kenya, Guinea Iyo Ghana

Addis Ababa, Febr-10, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo maalintii labaad ku sugan Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweyneyaasha dalalka Kenya, Guinea iyo Ghana.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo maalintii shalay gaadhay dalka Ethioia ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.

Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi Ethiopia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial