Latest News

Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay Ururka WADA-JIR Ee Sarrifleyaasha Somaliland

Hargeysa, March 8, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay
hoggaanka sare ee ururka sarriflayaasha Somaliland ku bahoobeen ee WADA-JIR.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay hoggaanka sare ee
ururka sarrifleyaasha Somaliland, ayaa waxa goob-joog ka ahaa wasiirka
wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, madaxda sare ee Baanka
dhexe iyo qaar kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana ay madaxweynaha iyo
xubnaha ururka sarriflayaashu halkaas iskaga xog-waraysteen xaaladda guud ee
sarrifka iyo kor u kaca ku yimi shilinka Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee ururka sarriflayaasha Somaliland ee
WADA-JIR, Mudane Axmed Xasan Mataan (Awliyo) iyo guddoomiyaha cusub, Mudane
Barkhad Axmed Coofiye oo ugu horrayn kulanka ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku
ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu wax uga qabtay sarrifka iyo kor u
qaadidda shilinka Somaliland, iyaga oo caddeeyey inuu madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi noqday madaxweynihii ugu horreeyey qiimaha shilinka kor u qaada.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi
oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey guusha laga gaadhay hoos udhaca
doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ay tahay siyaasad guud oo ay
dawladdu dejisay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi, “Dawladda oo
joojisay kharashaadkii saayidka ahaa ee aan ku jirin miisaaniyadda joojisay oo
ugu horreeyo wasiirka maaliyadda oo xakameeyey lacagtii iska bixi jirtey, oo
imika wax aan miisaaniyadda ku jirin ma saxeexo, annaguna Baanka haddaanu nahay
waxayagu waa farsamo, laakiin siyaasadda dawladda ayaa keentay in dhaqaaluhu
dego, sicir-bararkuna hoos u dhaco.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad
Cali Shire, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday dedaalladii ay xukuumaddu u
martay kor u qaadista shilinka Somaliland iyo soo noolayntiisa, waxana uu
sarriflayaasha ku adkeeyey inay ku dedaalaan sidii uu shilinka dalku qiime u
yeelan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa ugu horrayn xubnaha sarriflayaasha ah kula dardaarmay in waayo
aragnimada iyo khibradda dheer ee ay hayaan uga faa’iideeyaan bulshadooda, kana
dhigaan dhaxal ay manaafacaadsadaan jiilalka dambe ee dhalan doonaa.

Madaxweynuhu waxa uu ammaanta sare u kaca shilinka
Somaliland dusha u saaray madaxda maaliyadda iyo Baanka dhexe, isaga oo
sarriflayaasha laftooda ku tilmaamay inay guushaas qayb ku leeyihiin, “Arrinta
sarrifka iyo hawsha aad qaranka u haysaan aad baan idiinkaga mahadnaqayaa,
wasaaradda maaliyadda, xisaabiyaha guud iyo qoladaa Baanka ayaa iska leh ammaan
iyo wixii ay dalka tareen, iyagaana hawshaas kasoo baxay, anigu waan u yeedhay
dalku hawshaas ayuu u baahan yahaye qabta ayaan ku idhi, weyna ku ammaanan
yihiin, idinkii la shaqeeyeyna waad ku mahadsan tihiin,” ayuu yidhi madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii ururka madaxda sarriflayaasha Somaliland
ee WADA-JIR, waxa ay shahaado-sharaf ay kaga mahadcelinayaan kaalintii ay ka
qaateen kor u qaadista shilinka Somaliland ku maamuuseen madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, wasiirka wasaaradda horumarinta iyo guddoomiyaha
Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial