Madaxweyne Biixi Oo Ergada Shirweynaha 4aad Ee Xisbiga Kulmiye Usoo Jeediyey Inay Mid Mid U Ansixiyaan Shir-gudoonka

Hargeysa, October 4, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muse Bihi Abdi ayaa
ergada shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye usoo jeediyay shirguddoonka
Shirweynaha si ay u ansixiyaan.
Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu
Ergada usoo jeediyay in;
1. Abdikariim Ahmed Maxamed-Xinif noqdo Guddoomiyaha
shirguddoonka shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE.
2. Cali Maxamed Cali uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka
shirguddoonka Shirweynaha aaad ee xisbiga KULMIYE.
3. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse uu noqdo Guddoomiye
ku xigeenka 2aad ee shirguddoonka Shirweynaha
Shirguddoonka Shirweynaynaha.
4. Faysal Cumar Madar uu noqdo Xoghayaha Shirguddoonka
Shirweynaha 4aad shirweynaha KULMIYE.
Waxaana mid-mid u ansixiyay Ergada shirweynaha.
Leave a comment