Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Lagu Kordhiyey Xarunta Guud Ee Ciidanka Dab-Damiska

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal
cusub oo loo bineeyey ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaas oo laga dhisay
xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka jariska
dhismeyaasha cusub ee ciidanka, islamarkaana lagu soo bandhigay waxyaabihii u
qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadka sii gebogeboobay ee 2019-ka iyo
qorsheyaasha sannadka soo socda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha
ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno
kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka
Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada Booliska iyo Militeriga, qaar kamid ah
dhallinyarada ciidanka Dab-damiska, salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo
aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda
ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta
nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland
Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin qoto dheer munaasibadda
ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay ciidanka dab-damisku kaga
jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay
ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen nafo iyo hanti badan oo ay
leedahay bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo
wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore,
maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),
badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade
Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey
ciidanka Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si
dhaw ula shaqeeyaan ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay
ciidanka Dab-damisku ka ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo
hantida muwaadiniinta, waxana uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in
mudnaanta koowaad la siiyo ciidanka la dagaallanka dabka, waxana isaga oo
arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka
dab-damiska, qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira,
waxana aan shacabka oo dhan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka
dab-damiska, iyaga iyo qolada ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in
waddada loo banneeyaa.”

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray
dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka damb-damisku ku
leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku arkay gaadiida
casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah oo lagula
dagaallamo dabka.

Sidoo kale, waxa madasha lagu soo bandhigay waxyaabihii u
qabsoomay ciidanka dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii dhammaaday ee
2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo 
lagu badbaadiyey dad, xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala
duwani gaadheen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial