Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Safiirka Midawga Yurub Oo Markab Dushii Kullan Ku Yeeshay

Berbera, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxaa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxa lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, sidoo kalena waxay Somaliland Baddeeda ku ammaaneen siday uga caaggan tahay Budhcad-badeedda iyo argagaxisada, doorkoodana waxay soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneed ee u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*