Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gudoomiyey Shirka Maamul Daadajinta Dawladaha Hoose

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gudoomiyey Shirka guddida golaha wasiirada ee maamul daadejinta (IMC Meeting) shirkaas oo seddexdii biloodba hal mar qabsooma ujeedadiisuna la xidhiidho sidii warbiximo loogu kala qaadan lahaa waxyaabihii qabsoomay mudadaasi.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay balaadhinta mashruuca dawladaha hoose ee gobolada bariga iyo hirgelinta mashruuca JPLG oo bilaami doona horaanta bisha 11aad iyadoo la gaadhsiin doono degmooyinka Ceerigaabo, laascaanood iyo caynaba.

Ugu danbayntiina waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucani hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*