Latest News

Saylici Oo Madaxtooyada Ku Qaabibay Dhilinyaro Loo Tababarayo Hoggaaminta (Leadership)

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay
wehelinayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile,
Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, wasiirka macdanta iyo tamarta
Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqaadir
Sh. Maxamuud Muxumed (Dhegaweye) ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay
Koob iyo Labaatan (21) dhalinyaro ah kuwaasi Xarunta CPA u Carbisay Hoggaaminta
(Leadership) islamarkaana ka kala socday guud ahaanba Gobolada dalka Somaliland.

Dhalinyaradani oo ah dufcadii labaad oo muddo sannad ah
lagu tababarayo Hoggaaminta kana koobnaa 21 xubnood oo ka socday Gobolada, ayaa
markii uu qaabilay Madaxweyne ku xigeenku waxay ka dareen celiyeen soo
dhaweynta iyo qaabilaada loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada, waxaana ay xuseen
yoolkooda ku aadan hoggaaminta iyo doorka barashada ee la xidhiidha qeybaha
kala duwan ee Dawladnimada, iyagoo 21-ka xubnood ku tababaran doona waaxaha
fulinta, garsoorka iyo sharci-dejinta.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane,
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii halkaasi ka hadlay
ayaa yidhi “aad iyo aad baan runtii idiin soo dhaweynayaa dhalinyarta iyo
xarunta tababarka siyaasada ee runtii u xamaan qaadatay inay jihayso ama
toosiso, tababarto dhalinta Somaliland iyadoo isaga keenaysa gobolada kala
duwan aad iyo aad baanu CPA ugu mahad naqaynaa idinkana ka arday ahaan iyo ka
macalin ahaanba aad iyo aad baan idiin soo dhaweynaynaa”

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa
sheegay inay muhiim tahay in dhismaha Xarumaha ay ka horayso in dadka la dhiso
oo la tababaro si loo helo hoggaamin suuban waxaana uu yidhi Madaxweyne ku
xigeenka oo hadalkiisa sii watay “hay’ad kasta oo la dhisayaba waxa ka horeeysa
in qofka la dhiso intaan hawshaa loo dhiibin horta loo tababaro hawsha”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial