Latest News

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo U Tartamidda Kursiga 4aad ee Xisbiga KULMIYE Uga Tanaasulay Wasiirka Ganacsiga

Hargeysa, October 1, 2020 (HaatufOnline) – Madaxweyne-ku-xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shaaciyey inuu
ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale kursigaas u tartamo.

Madaxweyne-kux-xigeenku waxa uu caddeeyey inuu 
kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay,
kuna dhisi doono wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha,
Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu yeeshay
damac uu kaga mid noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE. 

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen, badiba  xubnaha
hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah golaha wasiirrada, 
xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo waxgarad
kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku kaga dhawaaqay
inuu danta xisbiga iyo ta qaranka uga  laabtay damaciisii ku aaddanaa inuu
mar kale isu sharraxo kursiga Afraad ee xisbiga KULMIYE oo shirweynihii lagu
dooranayey maalmaha soo socda furmi doono.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna
guddoomiye-kux-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin
Axmed, ayaa ku dheeraaday sida uu xisbiga KULMIYE, caanka ugu yahay
talo-wadaagga iyo isqancinta, islamarkaana hoggaanka xisbiga oo isku duuban,
xubno golaha wasiirrada iyo haldoorka gobolka Awdal  ku guulaysteen inay
madaxweyne-ku-xigeenka ku qanciyaan tanaasulka, sharaf iyo karaamo badanna uu
halkaas ku hantiyey oo uu qaatay go’aan tudhaale leh, xisbi ahaanna ay
arrintaas mahad ballaadhan ugaga hayaan madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka oo isagu
go’aan ku gaadhay inuu ka hadho tartankii uu ugu jirey kursiga
guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna
guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu si qoto dheer u sharraxay dedaalladii
iyo naf-hurnimadii uu lasoo maray xisbiga KULMIYE waqtiyadii uu bilowga ahaa,
isaga oo xusay inuu xisbiga lexejeclo badan ka qabo uu taariikh weyn ku
leeyahay, islamarkaana uu mar walba muhiimad gaar ah siinayo wada-jirka iyo
midnimada xisbiga.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey in go’aanka uu
damaciisa kaga tanaasulay uu  yahay mid ay laf-dhabar u tahay 
ilaalinta danta qaranka iyo isu haynta wada-jirka xisbiga KULMIYE  iyo
taageerayaashiisaba oo uu sheegay inuu tacab badan soo geliyey,”Waxa aan
maanta halkan usoo istaagay inaan u tanaasulo qaranka Somaliland, maadaama oo
aannu xisbul-xaakim nahay oo aannaan xisbi mucaarid ahayn, xisbi xaakim khilaaf
galaana qaranka dhibaato ku yahay, inaan maanta u tanaasulo qaranka Somaliland,
xisbigii KULMIYE iyo  gobolkaygii Awdal oo xadaafiir doorasho hore u kala
kaxaysay 2017-kii, saddexdaas markaan dhan walba ka rogay waxan qaatay inaan
walaalkay wasiir Saajin Booskii uga tanaasulo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeen
Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Saylici, Waxa uu u mahadnaqay deegaannada gobolka Awdal ee uu
dhalasho ahaan kasoo jeedo oo uu sheegay inay kaalin weyn ku lahaayeen go’aanka
xisbiga iyo qaranka danta u ah ee uu qaatay iyo tudhaalaha ay xisbiga u hayaan,
isaga oo cid kasta oo damaciisa taabacsanayd ugu baaqay inay ku daba faylaan oo
la shaqeeyaan wasiir Maxamuud Axmed Sacad (Saajin) oo isagu u sharraxan kursiga
guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha,
Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa dhankiisa ka  mahadceliyey
tasaasulka uu madaxweyne-ku-xigeenku u sameeyey, isaga oo tallaabadaasna ku
tilmaamay mid tudhaale badani ka muuqdo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya
uu yidhi, “Waxan uga mahadnaqaya madaxweyne-ku-xigeenka oo gartay inuu
iiga tanaasulo arrintii aannu isku qabannay, waa nin xisbiga raggii dhisay
kamid ah, dedaal badannina kasoo galay, isaga oo u tudhaya xisbigii uu
Aasaasayaashiisa kamid ahaa, maanta inuu iiga tanaasulo wuxuu iga mudan yahay
mahad.”

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku si guud ugu mahadnaqay
cid kasta oo isu soo dhaweynta iyo tanaasulka ka shaqaysay ee xilka iska
saartay, isaga oo shacabka gobolka Awdal-na ugu baaqay inay wada-jir ula
shaqeeyaan, islamarkaana uu madaxweyne-ku-xigeenku yahay musdambeedkiisa.

Wa bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial