Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Baanka Cusub Ee Amal Bank

Hargeysa, September 29, 2020 (Haatufonline) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarunta Guud ee Amal Bank uu ku yeelan doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo Munaasibad loogu sameeyey daah-furka  Baanka cusub ee Amal Bank oo kusoo biiray Saaxada Bangiyada Somaliland ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimaal Guud, Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ganacsato iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafladaasi furitaanka hadal ka jeediyey ayaa  sheegay in Amal Bank oo hore u ahayd Xawaalad islamarkaana dalka ka hawl geli jirtay ay hadda ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Baanka cusub ee kusoo biiray Bangiyadii hore u jiray, Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay Bangiyada badan isagoo xusay in haddii Bangiyadu bataan uu dhaqaaluhu kobci doonaan, dhanka kale waxa uu soo dhaweeyey  Barnaamijyo maalgalineed oo uu soo kordhiyey Baanku kuwaasi oo ay ka faaidaysan doonaan Dhalinyarada, Ganacsatada, Haweenka iyo Beeralaydu.

Ugu Danbayntiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Guddoomay Shahaado Sharaf lagu maamuusay Xukuumada Somaliland taasi oo lagu abaal mariyey sida ay uga shaqaysay Horumarka iyo dhaqaalaha waddanka islamarkaana u dhiiri gelisay  Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Wa bilaahi tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*