Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Balaadhan Oo Ka Socday Hay’adda UNCDF

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa
xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday hay’adda UNCDF oo u
qaabilsan adduunka horumarinta dhaqaalaha ee dawladda hoose oo uu hoggaaminayey
David Jackson oo ah agaasimaha guud ee 39-ka dawladdood ee ka soo koraya
dhinaca dhaqaalaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay horumarinta
dawladdaha Hoose ee JPLG-ga, waxaanu madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland warbixin ka siiyey madaxa weftiga halka uu marayo horumarinta
dhaqaalaha dawladdaha hoose ee Somaliland oo ay taageerto hay’addani, isagoo
uga mahadceliyey doorka hay’addaha UN-ku ay ka qaataan ka midho dhalinta
barnaamijka JPLG guud ahaan iyo khaasatan doorka horumarinta dhaqaalaha ee ay
hay’adda UNCDF ay ka taageerto Dawladdaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyadoo aad loogu lafo-guray balaadhinta barnaamijkan si
loo wada gaadho degmo doorashooyinka dalka mustaqbalka iyo sidii fiiro gaara
loo siin lahaa caasimada dalka, waxaanu madaxweyne ku xigeenku u caddeeyey
masuuliyiintaasi in qaybtii kaga aadanayd dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay
dhinaceeda bixisay, gobolada bariggana ay ka bilowday barnaamijka JPLG.

Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in xukuumadda iyo
hay’adda UNCDF ay si wada jira uga wada hawlgalaan kobcinta dhaqaale ee lagu
horumarinayo barnaamijkan dawladaha hoose.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey kulanka
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, maayar ku xigeenka
Caasimada Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan Xafiiska JPLG-ga u qaabilsan
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Dhinaca weftiga UNCDF-na waxa ku wehelinaayey agaasimaha
UNCDF, Dmitry Pozhidaev oo ah masuulka xafiiska geeska Afrika u qaabilsan
hay’adda, Anka Kitunzi oo u qaabilsan Xidhiidhka hay’adda Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Soomaaliya iyo masuuliyiinta xafiiska Somaliland ay ku leedahay
Hay’addu.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial