Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Shirweynaha 4-aad Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE

Hargeysa, October 4, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane
Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay 
shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE 
oo maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex
maalmood ah socon doona, ayaa waxa kasoo xaadiray  1,122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan)
ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin
madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha
golaha wakiillada  iyo ku-xigeenkiisa oo
kamid ah xisbiga,  wufuud kala duwan oo
ka kala socota dalalka Taiwan, Jabuuti iyo 
Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xubno ka socday axsaabta
mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad
u tiro badan.

Ugu horrayn waxa uu shirweynuhu doortay Afar xubnood  oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha
Afraad ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo shirka hagi doona muddada uu socdo, kuna
dabbaqi doona ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla, waxana ay xubnahaasi kala
yihiin, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Mudane Cali Maxamed Cali
(Cali Cali-yow), Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar
Madar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna
guddoomiyaha  xisbiga KULMIYE, Mudane
Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u
daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan
taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray    guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE
qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in
xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen
sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta
shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha
kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta
tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada
nugulka ahi.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii
hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane
Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka
iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey, 
bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii
(Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga
guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu 
hore ugu talo galay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay
mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba
Somaliland.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona
labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo
doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo
sidoo kale lagu gorfayn doono  arrimo
muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial