Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iftiimiyey Halka Uu Salka Ku Hayo Mucaaridnimada Ay Qaar Ka Mid Ah Madax-Dhaqameedku U Muujiyeen Xukuumaddiisa

Hargeysa, June 7, 2020 (Haatuf) – Sida caadada ahaan jirtay inta badan dadka madax-dhaqameedka ah, waxay mar walba taageero u ahaan jireen, kana ag dhawaayeen hadka Xukuumadda iyo Madaxweynaha haya xilka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo marar badan la arki jiray madax-dhaqameedyo Xukuumadaha ka difaacaya dhaliilaha uga yimaadana xisbiyada iyo dadka kale ee mucaaridka ah.

Hasayeeshee, wixii ka dambeeyey markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi taariikhdu markii ay ahayd 13 December 2017 oo laga joogo muddo laba sanno iyo lix bilood ah, waxa isa soo tarayey kala-fogaansho ka dhex bilaabmay qaybo badan oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo xubno madax-dhaqameedyo ah oo marar kala duwan saxaafadda la hadlay ay jeediyeen dhaliilo ah in aanay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu wax la-tashi ah la samayn dadka madax-dhaqameedyada ah oo ku dooday in laga soo xidhay albaabka Madaxtooyada.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland oo lagu waraystay barnaamijka Martida Makarafoonka ee Idaacadda VOA-da oo ay daadihinaysay suxufiyad Sahra Ciidle Nuur, lana baahiyey 06 June 2020, ayaa si gaar ah Madaxweynaha loogu weydiiyey su’aal ahayd

nuxurkeedu ahaa; sababta xuddunta u ah mucaaridnimada xiligan ee Madax-dhaqameedku u muujinayaan Xukuumaddiisa, waxaannu ku jawaabay; “Arrintan waxa lagu sababaynayaa, anagu markii aannu meesha nimid (xilka la wareegnay) waxa aannu kala saarnay Xukuumadda iyo shicibkii maamul ahaan (laakiin) dal ahaan talo ayaannu wada leennahay, dalkana waxa laga xukumaa oo laga hagaa qaybo badan oo Golayaasha la doortay iyo Xukuumaddu waa meel, madax-dhaqameedka oo ummadda madaxdoodii dhaqanka ah waa meel, culimada oo diintii haysaa waa meel, dadka maalqabeenka ah, suuqa xorta ah iyo ganacsatada oo dhaqaalihii dalka haya waa meel, dhallinyarada iyo haweenkii oo intaas oo dad ah ayaa talada dalka iyo qaranka wadaaga, anaguna intaba gacan iyo wada-shaqayn ayaannu leenahay, ra’yigooda ayaannu dhegaysanaa, soo-jeedinta iyo dareenkooda ayaannu dhammaan dhegaysanaa, laakiin waxa aannu kala ilaalinaa in Xukuumadda iyo hay’adaasi ay isku wada qasmaan, waayo Xukuumaddii shaqayn mayso oo Xukuumaddu way ka duwan tahay, madax-dhaqameedka lama doorto ee waa dhaxal, ganacsiguna isaga ayaa maalkiisa leh, laakiin Xukuumadaha imtixaan ayaa daba yaal oo waa lagu doortay oo muddo ayaa lagu doortay ee maxaad ii qabatay?, markaa haddii ay hay’adaas iyo dadkaas ku milanto tallaabo qaadi mayso, markaa anaga culayskaa dheeraadka ah ayaa na saaran, sidaa darteed ayaannu hawshayada gaar u wadnaa, qolooyinka kalena aannu wada-shaqayn la leennahay.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*