Latest News

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacawday Somaliland

Hargeysa, August 22, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku
qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo
magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa
ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska safaaradda ku cusub
yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday Dalka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta
iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo
Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga,
isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha
guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca
safiirkana waxa ku wehelinaayey safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo
masuuliyiin kale.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial