Latest News

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Furay Mashruuc Tamarta Cadceedda Laydhka Oo Laga Hir-geliyay Magaaladda Berbera

Berbera, January 12, 2021 (Haatufonline) –´Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee berbera.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dawladda Imaaraadka Carabta ee maal-gelisay mashruucan bulshadana ugu baaqay inay ka faa’idaystaan, ilaashadaana.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*