Latest News

Madaxweyneyaasha Puntland Iyo Jubbaland Oo Socdaal Ku Tagay Muqdisho

Muqdisho, September 1, 2020 (Haatuf) – Madaxweynayaasha
maamul goboleedada Soomaaliya ee Puntland iyo Jubbaland, Mr Siciid Cabdilaahi
Deni iyo Axmed Madoobe ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Socdaalka labadan Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland
ayaa noqonaya kii ugu horeeyey muddo sanado ah oo ay kaga maqnaayeen khilaafka
siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federalka Soomaaliya, khilaafkaas oo aan
weli xal laga gaadhin.

Labada Madaxweyne ayaa waxa caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish, kaas oo
saaka loo xayidhay waddooyin badan oo caasimadda Soomaaliya ku yaala, si loo
sugo ammaanka Labada Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ujeedada socdaalka Deni iyo Axmed Madoobe ayaa daraan
inay kulan wada-tashi ah la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi
Farmaajo oo hore u sheegay inuu labada maamul ka qancindoono tabashooyinka ay
ka qabaan heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb lagusoo galay, kaasoo labada
maamul ka maqnaayeen ka qaybgalka shirkaasi, isla markaana ay si wadajir ah u
qaadaceen qodobadii ka soo baxay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial