Latest News

Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Xusni Mubaarik Oo Geeriyooday

Cairo, -25-02-2020-(Haatuf) – Madaxweynihii hore ee dalka
Masar Maxamed Xusni Mubaarik ayaa ku Geeriyooday Magaalada Qaahira ee
Caasimadda Dalkaasi.

Maxamed Xusni Mubaarik ayaa Geeriyooday isagoo Da’diisu
tahay 91 Sano jir.

Maxamed Xusni Mubaarik ayaa muddo 30 sanadood ah
xukumayey Dalka Masar, illaa sannadkii 2011-kii oo uu Dalka Masar ka dhacay
Kacdoonkii Caanka ahaa ee sababay inuu Xukunka ka dago.

Markii Millatarigu uu xukunka ka tuuray ayaa wuxuu qirtay
Dambiyo ah inuu laayey Dad ka qayb-qaatay Dibed-baxyadii Masar ka dhacay ee
isaga lagaga soo horjeeday.

Dhimashadiisa ayaa waxa xaqiijiyey Warbaahinta Dawladda
xilli hore oo Salaasada Maanta ah.

Website-ka Al-Watan ayaa ku warramay in Maxamed Xusni
Mubaarik ku Geeriyooday Cisbitaal Millaterigu leeyahay.

Mubaarik ayaa bishii January galay qaliin, waxaanu
Sabtidii  sheegay Wiilkiisa Alaa inuu ka
soo raynayo Xaalad culus oo uu ku jiray, balse aakhirkii wuu Geeriyooday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial