Latest News

Madaxweynihii Hore Ee Somalia Cali Mahdi Oo Geeriyooday

Nairobi, March, 10, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhaw ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warkan  oo goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Cali Mahdi uu maamihii ugu danbeyayba ku xanuusanayay Nairobi, halkaa oo uu u taggay arrimo caafimaad,  laakiin lama sheegin xanuunka uu u geeriyooday.

Alle ha u naxariisteen Cali Mahdi ayaa  sanadkii 1991 loo doortay madaxweynaha Soomaaliya kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii militariga aheyd, iyadoo wixii waqtigaa ka danbeeyayna dalka ay ka dhaceen dagaalo sokeeye oo ay isaga hor yimaadeen dhinacyo kala taageersanaa madaxweyne Cali Mahdi iyo Jen Maxamed Faarax Ceydiid oo diidanaa  xukunka Cali Mahdi Maxamed.

Sanadku markuu ahaa 2000 ayuu talada dalka ku wareejiyay Cabdiqaasim Salaad Xassan kaddib shirkii ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Marka laga soo tago miisaankii uu ku dhax lahaa siyaasada Alle u naxariisteen Cali Mahdi wuxuu ahaa ganacsade caan ah oo siweyn looga yaqaanay gayiga Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*