Latest News

Maraykanka Oo 8 Ka Mid Ah Masuuliinta Iran Kusoo Rogay Cunaqabatayn Kuna Eedeeyey Inay Ku Lug Leeyihiin Arimo Xasilooni Darro Ah

Secretary of State Mike Pompeo and Treasury Secretary Steve Mnuchin brief reporters about additional sanctions placed on Iran, at the White House, Friday, Jan. 10, 2019, in Washington. (AP Photo/ Evan Vucci)

Washington January 12,2020(Haatufonline)-Maamulka madaxweyne Trump ayaa Jimcihi dhaweyd cunaqabatayn kusoo rogay 8 ka mid ah masuuliinta dalka Iran kuwaasoo loo aaneeyey xasilooni darro ay ka wadaan mandaqadda Bariga Dhexe.Sida ay wasiirada Arimaha Dibadda iyo Maaliyada Maraykanku saxaafadda u sheegeen masuuliinta cunaqabataynta la saaray ayaa qaar ka mid ahi ku lug lahaayeen gantaalo lagu weeraray xeryo ay degganyihiin ciidamo Maraykan ahi.

Dhinaca kale waxay Maraykanku cunaqabatayn cusub saareen qaar ka mid ah masuuliinta sar sare ee shirkadaha dhismaha iyo kuwa soo saara xadiidka birta ee laga leeyahay Iran.Mr Trump ayaa wuxu sheegay in cunaqabatayntan cusubi ay curyaamin doonto dhaqaalaha dalka Iran isla markaan ay xukuumaddiisu sii wadi doonto cunaqabatayntaasi ” ilaa iyo intay Iran joojinayso falalka qalalaasaha iyo degenaansho la’aanta ah ee ay caadaysatay”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*