Latest News

Maraykanka Iyo Japan Oo Isla Gartay Inay Iska kaashadaan Khatarta Shiinuhu Ku Hayo Taiwan Iyo Mootion Congresska Horyaal In Taiwan Lagu Daro Nato +5

@“ú•Ä‚ÌŠO–±E–h‰q’S“–Št—»‚É‚æ‚éˆÀ‘S•Ûá‹¦‹cˆÏˆõ‰ïŒã‚Ì‹¤“¯‹LŽÒ‰ïŒ©‚ðI‚¦AƒI[ƒXƒeƒBƒ“•Ä‘–h’·Š¯i¶’[j‚Æ•I‚Ń^ƒbƒ`‚ðŒð‚í‚·ŠÝ–h‰q‘ŠB‰œ‚̓uƒŠƒ“ƒPƒ“•Ä‘–±’·Š¯A‰E’[‚͖Ζ؊O‘Š‚P‚U“úŒßŒãA“Œ‹ž“s`‹æ‚̔ёqŒöŠÙi‘ã•ŽB‰ej

Tokyo,March 24,2021(Haatufonline)-Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Lloyd Austin oo todobaadkii hore nooqasho ku tagay dalka Japan iyo dhiggiisa dalkasi  Nobuo Kishi ayaa isla soo qaaday waxay labada dal ka yeelayaan hadii uu Shiinuhu dagaal kusoo qaado jasiiradda Taiwan waxaanay isla garteen inay arintaas iska kaashadaan.Inkastoo aan wax war ahi kasoo bixin qaabka ay isku kaashan doonaan hadii Shiinuhu kusoo duulo Taiwan haddana ka- wada-hadalka arintan ayaa muujinaya in Maraykanka iyo Japan ay meel uga soo wada jeedi doonaan hadii Shiinuhu isku dayo inuu kasoo talaabo marin badeedka yar ee u dhaxeeya Jasiiradda si uu qabsado.

Dhinaca kale xildhibaanka golaha wakiilada ee Maraykanka Scott Perry ayaa wada mooshin ah in dalka Taiwan lagu daro shanta dal ee soo raaca dalalka xubnaha ka ah Nato ee uu daneeyo Maraykanku xagga xulifaysiga gaashaandhiga.Shantan dal oo loo yaqaan Nato plus 5 waxay kala yihiin Australia,New Zealand,Koonfurta Korea,Israel iyo Japan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*