Latest News

Maraykanka Oo Duqeeyey Idaacadd Ay Leedahay Al-Shabaab

Kunyo-Barrow, January 2, 2021 (Haatufonline) –  Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanayay dowladda federalka Soomaaliya ayaa laba weerar oo duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameesaday xarun Idaacadeed oo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunyo –Baroowoo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Labada duqeynba ayaa lala beegsaday xeryaha al-Shabaab ee agagaarka Kunyo Barrow, oo katirsan gobolka Shabeeladda hoose.
Talisku wuxuu sheegay in qof rayid ah uusan ku dhaawacmin ama ku dhiman hawlgalkan, iyagoo sheegay inay ku burburiyeen goobaha bartilmaameedka u ahaa labada weerar.
“Tallaabadani waxay si cad u muujineysaa sida ay nooga go’antahay taageerada Soomaaliya iyo saaxiibbada gobolka,” ayuu yidhi Maj. Gen. Joel Tyler, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Taliska Mareykanka ee Afrika.
Warbixinta laguma xusin in lagu dilay xubno katirsan Alshabaab.
Warar maantadii hore la baahiyay waxay sheegayeen in duqayntan lala eegtay xaruntii idaacadda Andulus ee kutaalay tuulada Kunyo barow.
Waa duqayntii ugu horaysay uu Maraykanku ka geysto Soomaaliya sannadkan cusub. Maraykanka ayaa sheegay in uusan joojindoonin beegsiga Alshabaab, xitaa haddii uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*