Latest News

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ka Daadguraynaya Somalia, COVID19 Oo 1,000 Ku Dhaw Awgeed

Muqdisho, May 10, 2020 (Haatuf) – Dawladda dalka
Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ka daad guraynaysa Soomaaliya, maadaama oo
cudurka COVID19 uu si xawli ah ugu fidayo, sidaasi waxa lagu sheegay digniin ka
soo baxday Safaarada ay ku leeyihiin Muqdisho.

Sida lagu sheegay digniintan caafimaad, waxa
muwaadiniinta maraykanka ee Somalia lagaga daadgurayn doonaa diyaarada Ethiopian
Airlines ooh al safar oo kali ah loo diiwaangalin doono, waxaanay safaaradu
intaasi ku dartay in aanay damaanad qaadi Karin duulimaadyo mustaqbalka ah oo
kale.

“Safaaradu waxa ay si adag ugu boorinaysaa dhamaan
muwaadiniinta Maraykanka in safarka ay kaga imanayaan Somalia ay isku
diiwaangalin karaan oo kaliya sida ugu dhakhsaha badan xiligan.

Digniinta ayaa imaanaysa iyada oo ay sii kordhayaan
kiisaska la xaqiijiyey ee COVID-19 ee Soomaaliya. Sabtidii, Soomaaliya waxay diiwaangalisay
997 kiis iyadoo 69 kiis isla Sabtidii la diiwaalgaliyey.
Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka, cudurka wuxuu
ku faafay dhammaan gobollada qaybta ka ah hanaanka federaalka. Deegaamada ay
sida ugu badan u saameeyeen waxa ku jira Puntland, gobolka Banaadir Iyo Jamhuuriyada
Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial