Latest News

Maraykanka Oo Sheegay Inay Duqayn Ku Dileen Xubno Daacish Ah Oo Ku Sugan Puntland

Boosaaso, July 22, 2020 (Haatuf) – Taliska Mareykanka ee
Qaaradda Afrika ayaa duqeymo xagga cirka ah ku beegsaday xubno katirsan kooxda
ISIS-Soomaaliya oo xarumo ku leh meelo u dhow tuulada Timirshe ee gobolka Bari
Puntland- Soomaaliya.

Weerarkan xaga cirka ah ayaa lagu dilay toddobo kamid ah
ISIS, mana jirto wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray sida lagu sheegay
warbixinta kasoo baxday Africom.

Markii duqeyntan cirka ay dhacday, ciidamada Mareykanka
waxay ku sugnaayeen aagga si ay u caawiyaan ciidamada Puntland. Puntland iyadu
waxay sheegtay inay dishay 20 kamid ah dagaalamayaasha Daacish.

Taliska Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadidoono
taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya isagoo xoojinaya ciidamadiisa amniga
isla markaana sare u qaadaya xasilloonida.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial