Latest News

Maraykanka Oo Weerar Ku Dilay Sarkaal Al-shabaab U Qaabilsanaa Samaynta Bamka

Kurtunwarey, August 21, 2020 (Haatuf) – Masuuliyiinta dawladda Somalia ayaa sheegay in weerar ay qaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee dalka Maraykanka maalintii khamiistii in lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, saacado ka hor markii hoggaamiyeyaasha Somalia ay isku raaceen qorshaha doorashada soo socota oo amaanka qaranku uu kow ka yahay.

“Ciidamada Maraykanka oo taageeraya Ciidamada Somalia ayaa khaarajiyey xubin sare oo ka tirsan ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab,” ayaa lagu sheegay war dawladda Somalia ay soo saartay Jimcihii.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Koonfurta-galbeed ee Kurtunwarey. Waxaanu bartilmaameedku uu ahaa al-Shabab oo qorshaynaysay inay weerar ku qaado ciidamada dawladda Somalia, sidaasi waxa lagu sheegay war laga sii daayey idaacada dawladdu ay maamusho ee Radio Mogadishu.

Sidoo kale Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa iyaguna dhankooda xaqiijiyey in bartilmaameedku uu ahaa xubin sare oo Al-shabaab ka tirsan oo leh taariikhda sameynta waxyaabaha qarxa, waxaana la sheegay inuu ka shaqeynayay inuu dhigo aaladaha qarxa waddo dadweynuhu isticmaalaan oo u dhow Kurtunwarey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*