Latest News

Masar Iyo Spain Oo Maanta Si Wadajir Ah Koonfurta Badda Cas Uga Fuliyey Dhoolatus Milateri

Qaahira,February 14,2021 (Haatufonline)- Ciidamada badda ee labada dal ee Masar iyo Spain ayaa maanta si wada jir ah koonfurta Badda Cas ugu qabsaday dhoolatus milateri.

Sida u sheegay Afhayeenka ciidanka Masar Taamir Alrufaaci waxa masaarida tababarkan uga qaybgalay markabka dagaalka (frigate)ee la yidhaahdo Toshka halka Isbaanishka uu uga soo qaybgalay markabka la yidhaahdo Reina Sofia.

Labada ciidan waxa kale oo ay dhoolatus dagaal iyo dabrid ay ku sameeyeen saldhiga ciidamada Badda Masaaridu ku leeyihiin Badda Cas ee magaciisa la yidhaahdo Berenice Naval Base, waxaana Masaarida goobtaasi uga qaygalay markabkooda Sharm El-Sheikh oo laga riday 18 gantaal 18 (missiles) halka dhinaca Spain uu djoolatuskaasi uga qaybgalay markabka ciidamada iyo hubkooda ku daadiya bariga ee la yidhaahdo ESPS CASTILLA LPD.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*