Latest News

Maxaa Ku Qasbay Madaxda Alshabaab Inay 48 Saacadood Kadib Sheegtaan Qaraxi ExControl Afgooye Maxayse Markii Hore Uga Aamuseen.

Muqdisho,December 31,2019(Haatufonline)-Ururka Alshabaab ayaa ka aamusay sheegashada qaraxi maalinti Sabtida ee ExControl Afgooye ee ay dad tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof ku dhinteen 150 qofna ku dhaawacmeen,hasyeeshee 48 saacadood ka dib ayaa Alshabaab waxay shalay sheegteen inay iyagu fuliyeen qaraxaasi isla markaana ay la beegsanayeen kolonyo Turki ah oo wadada maraysay.

Ururka Alshabaab ayaa siday caadadu u aheyd aan sheegan jirin hawlgalada argagixisada ah ee ay dad badan oo shicib ahi ku dhintaan sida qaraxi ka dhacay isgoyska Soobe bishii Oktoobar 2017 ee ay ku hoobteen ku dhawaad 500 qof iyadoo ay sidaas u yeelayeen markasta oo dad badan oo rayid ahi ku waxyeeloobaan qaraxyadooda cabsi ay ka qabaan in dhaawac kasoo gaadho sumcadooda oy taasi ka horkeento dadwynaha.

.Hadaba sida laga soo wariyey ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Alshabaab sheegashola’aanta kooxda Alshabaab ee hawlgalki ExControl ayaa waxay sababtay guux ciidankooda dhexdiisa ah iyadoo ay askartu madaxda ku dhaliileen in ururku ka aamuso oo uu ka warwareego sheegashada hawlgalki dhacay taasoo ay ku tilaameen inay cahdi darro ,khiyaamo iyo meelka dhac ku tahay dagalyahanadi naftooda u huray hirgalinta hawlgalkaa.Xubnaha ciidanka qaar ka mid ah ayaa iyagu arintan kaga hadlay masaajidada ku yaala gobolka Jubada dhexe siiba magaalooyinka Bu’aale,Saakow,Salagle,Hargeysa-yar iyo Kamsuma.Markay arintu halkaas marayso ayaa hogaanka ururka Alshabaab wada tashi uu ka yeeshay buuqi ka dhashay sheegashola’aanti qaraxa waxa uu go’aan ku gaadhay in ururku si buuxda u sheegto oo uu Afhayeenki ururku hadlo sheegana in Alshabaab ka dambeeyey hawlgalki ka dhacay 28kii bishan ExControl Afgooye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*