Latest News

Maxaa U Sabab Ah Hoos-U-Dhaca Awoodda Milatari Ee Alshabaab?

Maxaa U Sabab Ah Hoos-U-Dhaca Awoodda Milatari Ee Alshabaab

Muqdisho,July 23,2021(Haatufonline)-Waxa laga joogaa mudo 15 sano ah markii uu ururka Alshabaab soo shaacbaxay ee dhalinyaro badan oo gudo iyo dibada joogaa ay ku biireen dabadeedna uu ururkaas argagixisada ahi dadalka Somalia oo dhan gacanta ku wada dhigay.
Hadaba ururkii Alshabaab ee awooddaas balaadhan lahaa waxa uu maanta u muuqdaa koox gabalkeedu sii dhacayo oo nafla caari ah sababaha loo nisbaynayo arintaasna waxa ugu muhiimsan:

KOW: Colaad Iyo Nac Xagga Dadweynaha ah

-Alshabaab waxa la
coloobay dadweynihii Soomaaliyeed oo dadki waxay arkeen in nimankaasi ay dhiigga Muslimka xalaalaysteen oo geeri iyo halaag mooyaane aanay wax kale usoo wadin.

Laba : Ciidan Yaraan

-Waxa joogsaday
dhalinyaradii ay sanadihii hore qaldi jireen ee iskood ugu soo biiri jiray waxaana safka ka baxay dagaalyahanno iyo saraakiil tiro badan oo ama dagaal iyo duqayn ku dhintay ama ka fakaday oo isa soo dhiibay.Hadda madaxda Alshabasb waxay miciin moodeen inay tuuleyaasha ka afduubaan caruur ay qasab ku askariyeeyaan sida ay sheegeen Siciid Cabdille Serjito oo dhawaan kasoo fakaday argagixisada Daacish markii horena ka tirsanaa Shabaabka iyo wiil da’ yar oo magaciisa la yiraahdo Calas Axmed Xirsi oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada dawladda Galmudug.

Sadex: Dhaqaale Xumo

-Inkastoo uu wali dhaqaale kasoo galo lacagta baada ah ee ay ganacsatada ka qaadaan haddana waxa is-dhimay dakhligoodii isla markaana waxa kusoo faruurmay kharash farabadan oo kaga baxa ilaalinta madaxdooda kuwaasoo ammaankooda ay baryahan danbe soo waajaheen khataro maalinba maalinta ka dambaysa soo siyaadaya.

Connect with us on Facebook