Latest News

Maxkamada Ciidamada Somalia Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Xubin Katirsan Daacish

Muqdisho, March 12, 2020 (Haatuf) – Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaallada deegaanka Xamar.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ninkani uu katirsanaa ururka Daacish, kaas oo kaga soo biiray buuraha Calmadow ee maamul goboleedka Puntland islamarkaana uu kamid ahaa jabhad Daacish oo uu ka soo dagaalamay tuulada Miraale oo katirsan gobolka Bari.

Maxamed Cali Maxamed, ayaa markii dambe shaqadiisa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka geytay dilal qorshaysan, isagoo markii dambe lagu qabtay xilli uu dilayay askari ka tirsan dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somalia gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in eedeysanaha uu qirtay dhammaan dambiyada lagu soo ooogay. Waxaanu ku dhawaaqay in lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta dadkii uu  dilay ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*