Latest News

Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Tifaftiraha HCTV

Hargeysa, (Haatufonline) – Maxkamadda Gobolka
Maroodi-jeex ayaa maanta xukun ku riday Tifaftiraha HCTV Cabdiqaadir Saleebaan
Casayr (Coday) oo mudo laba bilood ah ku xidhnaa xarunta dambi baadhista ee
magaalada Hargeysa ee CID-da loo yaqaano.

Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay Tifaftire Cabdiqaadir
Coday, Hal sano oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somaliland Shiling ah oo ganaax
ah.

Xukunkan Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ay ku riday
Tifaftiraha HCTV ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland
Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu yidhi “Maanta waxa Maxkamadda Gobolka
Maroodi-jeex ay xukun ku riday Tifaftirihii HCTV Cabdiqaadir Saleebaan Coday,
kaas oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, iyadoo damaanadii
nalaga diiday in lagu siidaayo coday.

Maanta ayaa dacwadii dhagaysigeedu mudada labada bilood
ah soo socday go’aan laga gaadhay, waxa ay maxkamaddu ku xukuntay hal sano oo
xadhig ah iyo saddex milyan oo ganaax ah, runtii urur ahaan waanu soo dhaweynay
xukunkaasi, sifo kasta markii hore ha ku qaldanaadee ama ha loo maree,
xukunkaasi waanu soo dhaweynay. Waxaananu doonaynay in aanu marno nidaamka aanu
Cabdiqaadir Coday hawshiisa ku dhamayn lahayn, hase yeeshee waxa isla markiiba
racfaan ka qaatay go’aankii maxkamadda, Xeer-ilaalinta, taas oo marka nidaamka
sharciga ah la eego ay xaqu u leedahay hadii aanay ku qancin xukunkaasi, si
anaguba hadii aanu u arkayno in aanu xukunkaasi noo cuntamayn aanu racfaan uga
qaadan lahayn.

Hase yeeshee waxaanu u aragnaa talaabo xukuumaddu ay
qaado oo adag ay tahay, markii horeba anaga oo u arkaynay in xukunkaasi sifihii
hore ee loo maray aanu sharci ahayn,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial