Latest News

Mekelle: Milatariga Ethiopia Oo Cambaarayn Kadib Xoriyadii Usoo Celiyey Shaqaale Warbaahineed

Mekelle, March 3, 2021 (Haatufonline) – Milatariga dalka Ethiopia ee gacanta ku haya gobolka Gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalka Ethiopia ayaa sii daayey Afar shaqaale warbaahineed oo mmaalintii Isniintii laga qabtay makhaayad ku taala caasimada Tigrayga ee Mekkele.

Wariyeyaasha la sii daayey ayaa waxa ka mid ah Girmay Gebru oo BBC-da u warama, iyo sidoo kale

Tamirat Yemane, iyo laba tujubaan oo la kala yidhaa – Alula Akalu iyo Fitsum Berhane, kuwaas oo u shaqaynayey the Financial Times iyo Wakaalada Wararka eethe AFP.

Talaabadan lagula kacay wariyeyaashan ayaa cambaareeyey ururada caalamka ee u dooda madaxbanaanida warbaahinta iyo badqabka suxufiyiinta.

Xaaladda Gobolka Tigrayga ayaa ka sii daraysa tan iyo markii Milatariga dawlada Ethiopia ay weerar ku qaadeen 4 bishii November ee sanadkii hore, taladii maammulka Gobolkaasina ay ka tuureen xisbiga  TPLF oo gacanta ku hayey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*