Latest News

Midowga Afrika Oo Diiday dalbkii Farmaajo In Ergayga Gaarka Ee Loo Magacaabayo Somalia Laga Dhigo Itoobiyaan Ama Eriteriyaan

Muqdisho, April 22, 2021 (Haatufonline) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika oo ka dooday xaaladda dalka Somalia ayaa cambaareeyey mudo-kordhintii labada sanadood aheyd ee uu madaxweynihii Somalia ee mudo xileedku ka dhamaaday Farmaajo dhawaan samaystay. Dhamaan dawladaha xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ay ka mid yihiin Kenya, Djibouti Ghana, Nigeria, Masar ayaa isku raacay Itoobiya mooyaane diidmada mudo kordhina.

Golahu waxa kale oo uu isla gartay inuu ergay gaar ah u magacaabo Somalia.Hadaba markii uu ka dooday cidda ku haboon ee loo magacaabo ayuu wasiirkaii Arimaha Dibadda ee Farmaajo oo shirka fadhiyey soo jeediyey in ergayga gaarka laga dhigo raiisalwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn dabeeto markii lagu diiday ayuu yidhi waa in hadaba qof Eriteriyaan ah laga dhigaa.Hasa yeeshee Golaha ayaa cod aqlibiyad leh isku raacay in madaxweynihii hore ee Siera Leone Ernest Bai Koroma oo ay soo jeediyeen Ghana iyo Nigeria.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*