Latest News

Midowga Yurub Oo Dawladda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Joojiso Cabudhinta Saxaafadda

Muqdisho, April 21, 2020 (Haatuf) – Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso cabudhinta ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliya, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo ama uu ku sugan yahay.

Hadalka kasoo baxay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya,  ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo dhammaaday kulan safiirrada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhex maray Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxa uu safiirka ku yidhi “Naqdinta waa qeyb kamid ah dimuquraadiyada,  jaan-gooynta xoriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan,  sidaas darteed, haddii saxafiyiinta la xaddido,  ama laga hor istaago xogta,  taasi maaha daw”. ayuu yidhi Danjire Berlanga.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa dhowr jeer lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Warbaahinta sida xadhigga saxafiyiinta, oo qaarkood weli ay xabsiga ku jiraan  iyo xaddidida xogta sida ay horay ugu doodeen Ururada saxaafadda iyo hay’adaha xuquuqda aadamuhu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*