Latest News

Midowga Yurub Oo Somaliland Ka Caawin Doonna Dib U Habaynta Garsoorka Iyo Ciidanka Booliska

Hargeysa, March 10, 2020 (Haatuf) – Wasiirka arrimaha
gudaha Somaliland iyo wakiiladda Midowga Yurub iyo Sweden ayaa kala saxeexday
mashruuc dib loogu habaynayo hay’adaha garsoorka iyo Booliska.

Mashruucan oo ku kacaya lacag ka badan Toddoba milyan oo
dollar, ayaa lagu kala saxeexday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana
goob joog ka ahaa wasiirrada wasaaradaha caddaaladda, Dastuurka iyo xidhiidhka
goleyaasha, qorsheynta qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyayaasha
ciidamada Booliska, Asluubta iyo Laanta socdaalka, guddoomiyaha hay’adda
xuquuqal Insaanka qaranka iyo qaar kamid ah hay’adaha qaramada midoobay iyo
kuwa midowga Yurub ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha garsoorka iyo
horumarinta shuruucda.

Safiirrada Midowga Yurub iyo dalka Sweden, ayaa sheegay
inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Somaliland ee dhinacyada kala duwan
leh, islamarkaana ay ku talinayaan inay sida ay tahay uga faa’iidaysto
mashruucan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane
Maxamed Kaahin ayaa uga xog waramay sida amniga xooga u saareen, waxaanu
tilmaamay in xuduudda Itoobiya la wadaagaan ay si wada jir ah uga wada
shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee labadda ah, waxaanu xusay in xuduudda
Soomaaliya la wadaagaan aanay jirin cida ay kala shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay
in bilihii u dambeeyey kooxo argagixiso ah ay qabteen, taas oo sharciga la
horgeeyey.

Waxa kale oo uu sheegay in ciidamada u tobabaran la
dagaalanka argagixisada oo ay caawin jireen Inigiriisku ay ku eeg tahay bishan
March 31-keeda, sidaas darteed waxa uu ka codsaday inay iyagu kaalintii
Ingiriiska u buuxiyaan.

Ugu dambeyn, waxay kala saxeexdeen midowga Yurub
mashaariic lagu horumariyo bahda garsoorka iyo ciidanka, kuwaas oo ay maalgalin
doonaan midowga Yurub.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial