Latest News

Midowga Yurub Oo Xanibaad Saaray 90 Milyan Oo Euro Oo Waqtigan Oo Kale Lagu Kabijiray Miisaaniyadda Dawladda Itoobiya

Brussels,December 17,2020(Haatufonline)-Midowga Yurub ayaa xanibaad saaray 90 milyan oo Euro oo uu waqtigan oo kale ku bixin Jiray kabista miisaaniyadda dawladda Itoobiya maa daama uu raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed diiday baaqyadii beesha caalamka ee ku saabsanaa dagaalka Iyo xaaladda aadamanimo ee ka taagan aagan gobolka Tigray.

Midowga Yurub oo sanadkii 250 milyan oo Euro ku caawiya dawladda Itoobiya ayaa dhawr jeet ka hadlay xaaladda ka taaagan gonolka Tigray iyadoo uu xukuumadda Abiy Axmed ugu baaqay inay gonolka Tigray degdeg uga qaado xayiraadda isgaadhsiinta iyo isu socodka gaadiidka isla markaana fasaxdo hawlaha gargaarka aadamanimo ammaankoodana damaanad qaado si taakulaynta loo gaadhsiin karo dadka u baahan.Waxa kale oo ay Yurubyanku ku baaqeen in dagaalka Tigray lagusoo afjaro xal wadahadal ku salaysan.Hasayeeshee Abiy Axmed ayaan habayaraatee wax tixgalin ah siinin soo jeedimaha Midowga Yurub iyo kuwa beesha caalamka inteeda kaleba ay soo jeediyeen.

Xanibadda kabka miisaaniyadda ayaa waxa kale oo ay ku lug leedahay biy Axmed ayaa ku gacasaydg

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*