Latest News

Milatariga Ethiopia Oo Sheegay Inay Dileen 42 Nin Oo Ku Lug Lahaa Xasuuq Ka Dhacay Gobolka Benishangul-Gumuz

Benishangul, December 24, 2020 (Haatufonline) – Milatariga dalka Ethiopia ayaa sheegay inay dileen 42 nin oo hubaysan oo ka qaybqaatay xasuuq ka dhacay gobolka Benishangul ee ku yeela galbeedka dalka Ethiopia, sida ay ku warantay Fana TV oo dawladu ay gacanta ku hayso.

Maalintii Arbacadii ayaa guddida xuquuqda aadamaha ee dalka Ethiopia waxa ay sheegeen in dablay hubaysan ay dileen 100 qof kadib weerar ka dhacay magaalada Bekoji, oo ka tirsan gobolka Benishangul-Gumuz.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo hadlay xili hore oo maanta ah ayaa sheegay in ciidamo la geeyey gobolkaasi, halkaas oo inta badan ay ka dhacaan weeraro qoomiyadu ku salaysan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*