Latest News

Mucaaridka Jabuuti Oo Dibadbaxyo Ka Dhigay Dalkaasi Oo Khasaare Ka Dhashay

Jabuuti, (Haatuf) –
Hogaamiyeyaasha mucaaridka dalka Djibouti ayaa cambaareeyey siyaasada
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Taliskiisa, kadib markii ay maalintii
labaad dibadbax isugu soo baxeen caasimada dalkaasi.

Aadan Maxamed Abdou, oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga USN oo
ay ku midaysan yihiin afar xisbi oo mucaarid ah, ayaa sheegay in dibadbaxan ka
dhacay Arxiba uu daba socday xadhiga xubin ka tirsan xisbiga ARD (Republican
Alliance for Development) oo la xidhay maalintii khamiistii.

“Kadib markii Cismaan Yoonis Boqorreh oo ahaa xisbiga
MRD, oo u digo-rogtay ARD’s ayaa maalin cad ay xidheen ciidamada bileysku,”
ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ARDM.

Dibadbaxan ka dhacay dalka Djibouti ayaa ciidamada
bileysku ay u adeegsadeen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmaysiisa, waxaanu
intaasi ku daray hogaamiyaha xisbiga ARD in sidoo kale ay dibadbaxyo ka dhaceen
oo shacab aad u tiro badan ay isugu soo baxeen magaalooyinka Tajoura iyo Randa.

Hase yeeshee wararka laga helayo dalka Djibouti ayaa
sheegaya in dibadbaxaasi la soo afjaray, balse xisbiga ARD ayaa sheegay in
galabnimadii Jimcaha maanta uu dibadbuxu sii socday, kaas oo dad tiro badan oo
gaadhaya ilaa 50 qof ay ku dhaawacmeen, dhaawacoodana la dhigay cusbitaalka
Arxiba.

Dibadbaxayada ka dhaca dalka Djibouti ayaa ah kuwo dhif
iyo nadir ah, waxaana loo adeegsadaa ciidamo gacan bir ah ku qabta, sida ay
sheegtay kooxda la socota dibadbaxayada dalkaasi ee Civicus.

Bishii December 2015, ayaa ugu yaraan 27 qof ay ku
dhinteen in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada amaanku ay
toogteen dadweyne isugu soo baxay jidadka dalkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial