Latest News

Mucaaridka Somalia Oo Ku Baaqay Dibadbax Ka Dhan Ah Farmaajo, Xili Amaan Darada Muqdisho Sii Kordhayso

Muqdisho, February 14, 2021 (Haatufonline) – Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabteen hoggaanka musharixiinta Madaxweynenimo ee Somalia ayaaa ku dhawaaqay in la qabanayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ay sheegeen in dibadbaxani yahay mid lagu muujinayo sharci darrada sida ay hadalka u dhigeen uu Farmaajo wali kursiga ku sii joogo, loona baahan yahay in bulshadu muujiyaan shacuurtooda arrintaa ka dhanka ah.

Dibadbaxan ayeey sheegeen in la qabanayo maalinta Jimcaha oo ay dadku isugu soo bixi coonaan qeybaha ay magaaladu ka kooban tahay,

Midowga musharixiinta oo hadda ah garabka ugu weyn ee siyaasiyiinta mucaaradka ka ah ee ka soo horjeeda dowladda ayaa horrey ay u sheegay in Farmaajo aysan u aqoosaneyn madaxweynaha Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyay 08 bishan Feberaayo oo uu ku ekaa muddo xileedka afarta sano ee xafiiska loo doortay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*