Muqdisho: Sarkaal Booliska Somalia Ka Tirsan Oo Qarax Lagu Dilay

Muqdisho, May 28, 2020 (Haatuf) – Waxaa maanta qarax sida
la aamisanyahay lagu xidhay gaadhigiisa ku geeriyooday sargaal ka tirsan
Ciidamada booliska Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Cabdi
Dhicisow oo loo yaqaannay ‘Jaabari”
iyo qof
kale oo la socotay, halka mid
kamid ilaaladiisa uu ku dhaawacmay
sida Warbaahiinta Somalia ay u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay dhowr xaafadood oo ku
yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay waddada marta
dhabarka dembe ee barxadda iskaashatooyinka oo aan ka fogeyn dhismaha
hooyooyinka ee degmada Xamar weyne
Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka
Banaadir oo durbaba gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa tilmaamay in sargaalkaasi iyo qof oo la socotay ay ku baxeen, sidoo kalena
askari ilaalinayay uu ku dhaawacmay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalax
Cumar Xasan.
Dhimashada sargaalkaan booliska ah ayaa kusoo aadeysa
xilli laba jeer isbuucii lasoo dhaafay uu
qarax ka badbaaday Janaraal Cali Gaab oo ah taliyaha hoggaanka
caafimaadka booliska Soomaaliya.
Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo dhimashada
sargaalkaan la xiriirta ee kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya.
Leave a comment