Latest News

Muranka Biyo Xidheenka Ethiopia Oo Loo Gudbiyey Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay

Cairo/Addis Ababa, June 27, 2020 (Haatuf) – Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ee u dhexeeya dalalka Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa gaadhay Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa kadib toban sanadood oo lagu guuldaraystay wada-xaajoodyo lagu gaadho heshiis qodobaysan oo lagu buuxiyo Biyo-Xidheenka.

Masar ayaa qoraal codsi ah u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 19-kii bishan June si ay uga doodaan arintaasi, waxaanu Golaha Amaanku uu u asteeyey Isniinta inay ka yeeshaan kulan guud, oo ay ka soo qaybgali doonaan 15-ka dawladdood ee xubnaha ka ah.

Dalka Masar oo si aad ah ugu tiirsan wabiga Nile, ayaa rumaysan in biyo-xidheenka Ethiopia uu yarayn doono qulqulka biyaha ay hesho, kaas oo isla wakhti xaadirkanba aad uga yar heerka ay doonaysay oo ah.

Ku dhawaad boqolkiiba 85 biyaha Niilku waxa ay gaadhaan Masar marka ay ka soo qulqulaan dhulka sare ee dalka Ethiopia.

Ethiopia waxay rajaynaysaa in mashruuca ku kacaya $4.8 bilyan ee dollar ee Niilka Buluuga ah, inuu oo soo saari doono 6,000 megawatts oo Laydh ah marka la dhammaystiro, taas oo ka dhigi doonta inay noqoto dalka ugu dhoofinta badan Afrika dhinaca Tamarkta Laydhka.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Warbaahinta Arab News in Masar iyo Sudaan ay ka qeyb qaadan doonaan kalfadhiga. Itoobiya wali ma xaqiijin ka qeybqaadashadeeda kulankaasi. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda, Gedu Andargachew, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Jarmalka ee Deutsche Presse-Agentur Jimcihii shalay in waddankiisu doonayay inuu bilaabo buuxinta kaydka biyo-xidheenka inkasta oo ay jirto culays.
“Waxaan bilaabi doonnaa buuxinta harada biyaha bisha soo-socota xitaa haddii aanu jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya saddexda dal,” ayuu yidhi Andargachew, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in Itoobiya ay heshiis la gaadho Masar iyo Sudaan.
Wasiirkii hore ee Kheyraadka biyaha ee Masar, Maxamed Nasr Allam, ayaa sheegay in tallaabada noocaas ah iyo kalfadhiga Golaha Amniga ee soo socda uu muujinayo in madaxweynaha golaha uu ku qancay aaminsanaanta Masar ee ah in tallaabada Itoobiya ay tahay mid aan la aqbali karin isla markaana abuurtay xaalad xasillooni darro oo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*