Latest News

Musharixii Xisbiga Mucaaridka Seychelles Oo Ku Guulaystay Doorashada Madaxtooyada

Seychelles, October 25, 2020 (Haatufonline) – Musharixii Mucaaridka Seychelles ka socday Wavel Ramkalawan ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada oo dalkaasi ka dhacday, isagoo kaga guulaystay 54.9%, tartan uu la galay Madaxweynaha xukuma dalkaasi Danny Faure.

“Waxaan ku dhawaaqayaa … Ramkalawan inuu yahay musharaxa la doortay,” sidaasi waxa yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Seychelles Mr Danny Lucas oo ku dhawaaqay natiijada doorashada dalkaasi ka dhacday maanta oo Axad ah.

Musharaxan Mucaaradka, oo hore si dirqi ah looga adkaaday doorashadii madaxweynenimada ee sanadkii 2015-kii oo ay ku guuleysteen guul taariikhi ah oo ka timid codbixin baarlamaan sanad kadib, waxay ku guuleysteen doorashadii ugu horreysay ee madaxweynenimo muddo 40 sano ah tan iyo markii Seychelles ay xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska.
Ramkalawan, oo ah wadaad Anglican ah isla markaana ah hogaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Seychelles, wuxuu u tartamayay madaxweynenimada markii lixaad. Waxaa looga adkaaday codbixintii sanadkii 2015 oo 193 cod uu helay James Michel wareegii labaad ee codbixinta oo aan hore loo arag.

“Danny Faure iyo anigu waxaan nahay saaxiibo wanaagsan. Doorashaduna macnaheedu maahan dhamaadka qofka ee waxay waxtar u tahay dhulkiisa hooyo,” Ramkalawan ayaa ku yidhi khudbadiisa guusha. “Doorashadan, ma jirin cid laga guuleystay, ma jirin cid guuleysatay. Dalkeenna waxaa la siiyay fursadda inuu noqdo guuleystaha ugu dambeeya. ”
Danny Faure, musharaxa laga guulaystay ayaa helay boqolkiiba 43.5% codadka.

Doorashadan ka dhacday Seychelles Sabtidii ayaa isugu jirtay doorashada Madaxtooyada iyo baarlamaanka oo soctay muddo saddex maalmood ah, waxaana doorashada isku diiwaangaliyey 74,000 si ay uga qeyb qaataan doorashada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*