Latest News

Nin Ka Tirsan #Alshabaab Oo 2 Sarkaal Oo Faransiis Ah Qafaashay 2009 Oo Gacanta Lagu Dhigay

Dhuusamareeb,August 3,2021(Haatufonline)-Jibriil Saacid Cali Saacid oo ka tirsan ururka Alshabaab oo sanadkii 2009 Hotel Saxafi Muqdisho ka qafaashay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Faransiiska ayaa ciidamada Galmudug gacanta ku dhigeen isagoo markaas joogay magaalada Camaara oo ku taala koonfurta gobolka Mudug halkaas oo saldhig u ahaan jirtay kooxda Alshabaan ka hor intaanay ciidamada Galmudug iyo Gorgor oo iskaashanaya ka saarin todobaadkan.

Jibril Saacid ayaa Alshabasb u qaabilsanaa afduubka dadka ajaanibka kuwaasoo inta badan madaxfurasho lagu soo dayn jiray balse waxax jira qaar ka mid ah oo ilaa hadda la la’yahay nolol iyo geeri tay ku dambeeyeen inkastoo labada sarkaal ee Faransiiska ah mid kasoo baxsaday kii kalena ay Alshabaabku dileen ka dib markii uu fashilmay hawlgal ciidamo kamaandoos ah oo Faransiis ahi doonayeen inay kusoo furtaan.

Connect with us on Facebook