Latest News

Nuxurka Qodobada Lagaga Dooday Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeysa, March 12, 2020 (Haatuf) – Fadhigii 55aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo madaxweynuhuna guddi u saaray.

Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaalada Caabuqa
Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in
illaa hadda dalku ka nabad-qabo oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi
lagu garto.

Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka
Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada ee dalka iyo sidii
deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa
waxbarashada.

Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka
war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu
xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in
ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo fadhigan
goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha
Dawladda. War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku
dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn
lahaa.

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu
hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka
soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka
jirta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa
muwaadiniinta Somaliland.

Xubnaha Guddida:

1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.

2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
ee JSL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

3. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin
Axmed.

4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska JSL,
Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Khaliil
Cabdilaahi Axmed.

6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Jaamac
Maxamuud Cigaal.

7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda JSL, Dr.
Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.

8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta
Kalluumaysiga JSL, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

9. Wasiirka Cadaaladda JSL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali
Bile.

10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali
Shire

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial