Latest News

Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay Fadhigii 60aad Ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeysa, July 2, 2020 (Haatuf) – Fadhigii
60aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka
iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta lagaga hadlay
xaalada guud ee amniga dalka, heerka xanuunka COVID-19 iyo halka uu marayo la
dagaalankii lagu hayey Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah Dalka.

Ugu horayn waxa warbixin goluhu ka
dhegeystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku
sugan in mudo ah isaga iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsani degmada
Ceel-afweyn oo ay u joogaan daminta arrimihii nabadgelyada la xidhiidhay ee
halkaasi ka jiray, waxaanu golaha uga xogwaramay meesha uu marayo dedaalkii
nabadayntu oo uu xusay in ay si dhakhso ah u soo gabagabayn doonaan xurguftii
dhexmartay beelaha walaalaha ah ee deegaanka degmada Ceel-afweyn, waxana uu
sheegay in todobaadka soo socda ay is horfadhiisan doonaan waayelka dhinacyada
wax kala tirsanayaa, sidoo kale waxa isna xoojiyey wasiirka, wasiir ku xigeenka
arrimaha gudaha oo ka hadlay xaaladda amni ee dalka, xusayna in guud ahaan
amniga dalku uu fiican yahay wax dhibaato ah oo gobolada iyo degmooyinka dalka
ka jiraana aanu jirin.

Dhinaca kale wasiirka Horumarinta
Caafimaadka ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda xanuunka COVID-19, waxaanu
xusay in weli dalka uu ka jiro xanuunka COVID-19 balse ay muuqato in uu hoos u
dhacayo xanuuunku. isagoo golaha la wadaagay in dadaaladii la waday ay suurta
geliyeen in la helo qalabkii loo baahnaa, waxana uu sheegay in ay mashiinka
lagu baadho xanuunka COVID-19 la geeyey magaalooyinka Burco iyo Berbera oo ay
shaqaynayaan, waxa kale oo uu sheegay in ay samayn doonaan baadhis guud (random
test) oo ay ku ogaanayaan heerka xanuunka ee dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in ay wax ka
qabteen adeega baabuurta gargaarka degdega ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ee
cusbitaalada dalka, dhawaana ay saddex Ambulance oo cusub geyn doonaan
Cusbitaalada Ceergaabo, Laascaanood iyo Boorama, halka Burco ay hore u geeyeen
isla markaana ay dayac tireen Ambulance-yada Cusbitaalka Berbera waxana uu
intaas ku daray in Cusbitaalka Hargeysa ay u qorsheeyeen laba Ambulance oo
cusub.

Waxaanu xusay in ay dalka ku soo
wajahan yihiin lix mashiin oo ah kuwa dhaliya ogsajiinta (oxygen) oo lagaga
maarmi doono baahidii loo qabay ogsajiinta, sidoo kalana ay dalka soo gaadheen
410 haamood (Oxygen Cylinders) oo ah kuwa lagu shubo ogsajiinta loona qaybshay
Cusbitaalada dalka horantooduna ay gaadhayso todobaadka soo socda.

Sidoo kale wasiirka Horumarinta
Beeraha ayaa golaha uga warbixiyey in ay meel fiican u marayso dedaalkii loogu
jiray dabar goynta ay kula jireen Ayaxa, waxaanu sheegay in wejigii koowaad ee
hawlgalka oo ka socday gobolada galbeedka uu soo dhammaday todobaadka soo
socdana laga hawlgali doono gobolada Bariga Somaliland iyadoo diyaaradaha ayaxa
lagu buufinayo ay fadhiisin ka samaysan doonaan garoonka diyaaradaha Burco.

Wasaaradda Shaqo-galinta, arrimaha
bulshada iyo qoyska ayaa golaha horkeentay Siyaasadda shaqo-abuurka Qaran ee
Somaliland oo ah siyaasad dalka ku hagaysa sidii bulshadu u heli lahaayeen
shaqooyin isla markaana looga bixi lahaa shaqo la’aanta, waxana goluhu u
balamay in la soo darso siyaasadan oo isla markaana lagu ansixiyo shirarka soo
socda, dhanka kale waxa goluhu isla qaatay in wakhti la siiyo dersidda xeerka
Shaqaalaha Dawladda oo golaha horay u yaalay.

Ugu danbayn golaha wasiirrada
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in aan la hilmaamin
tilmaamaha iyo talooyinka lagaga hortagayo xanuunka COVID-19 ee ay wadaan bahda
caafimaadku iyagoo sidoo kale u mahadceliyey guddida la dagalaanka COVID-19 ee
uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici).

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial