Latest News

Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ku Qabsoomay Habka Maqalka/Muqaalka Ah

Hargeysa, April 16, 2020 (Haatuf) – WAR-SAXAAFADEED: Fadhigii
57aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku
qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga
qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka
Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda
Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadduna soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku
ku qabsoomay.

Waxaana kulankaa lagaga arrinsaday xanuunka saf-mareenka
ah ee Coronavirus (Covid 19) oo ah mid dunida aafeeyey, iyadoo xukuumadduna
dedaal ugu jirto xakamaynta iyo ka hortagga xanuunkaasi sidii aanu dalka iyo
bulshada ugu faafi lahayn.

Waxaana ugu horrayn warbixin la xidhiidha xanuunka covid
19 laga dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali
Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo u diyaargarawga ka
hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto iyadoo
kaashanaysa guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka ay
xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku sheegay in
baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee
xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof
oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaadhkooda la sugayo, sidoo kale waxa uu
wasiirku xusay in gobol walba iyo xuduudaha dalka ay ka hirgeliyeen goobo u
gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna
guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka
covid 19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha
warbixin ka siiyay hawsha ay wadaan isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan
ugu jiraan ka hortaga iyo diyaar garowga xanuunka Covid-19 iyagoo kaashanaya
guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana si fiican ay hawshu ugu socoto,
wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta go’aamadii ay soo
saareen.

Dhinaca kale, wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada,
Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu
xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland,
isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka
miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa
awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan
doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.

Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen in la
dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19,
iyagoo shacabka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer
qaran ee covid 19 iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray .

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial