Latest News

Puntland Oo Dad U Xidhay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Dilay Guddoomyihii Gobolka Nugaal

Garoowe, March 30, 2020 (Haatuf) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.

Puntland ayaa heshay xog la xidhiidhta qofka ismiidaamiyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, waxaana iyadoo taas laga duulay ay ciidamada amaanku ay soo xidheen dad looga shakisan yahay inay xidhiidh dhow la’ leeyihiin ismiidaamiyaha.
Taliyaha ciidanka bilayska Puntland, sareeye gaas Muxyadiin Axmed Muuse ayaa saxaafada ku hadasha afka maamulka Puntland u sheegay in hay’addaha amnigu shaqo badan qabteen qaraxa kadib ayna horey u hayeen macluumaad badan.
Xaaladda magaalada Garowe ayaa caadigeedii kusoo laabatay, iyadoo goobta uu qaraxa ka dhacay dib loo furay saakay, inkastoo ay jirto feejigaan amni oo heerkeedu aad u sareeyo.

Waxaa goor dhow la filayaa in aas qaran loo sameeyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, waxaana ka qeynb galaya madaxda Puntland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*