Latest News

Puntland Oo Shuruudo Ku Xidhay Ka Qaybgalka Shirka Farmaajo Iclaamiyey Ee Lagaga Hadlayo Doorashada Soomaaliya

Muqdisho, February 24, 2021 (Haatufonline) – Maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa shuruud ku xidhay ka qaybgalka shirka doorshada Somalia lagaga hadlayo, waxaanay dalbatay in xilka laga qaado taliyayaasha ciidamada Sirdoonka, milatariga, iyo booliiska oo ku eedeeysay in ay ka qeyb ka qaateen qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Puntland waxay sidoo kale dalbatay in madaxweyne Farmaajo uu soo saaro wareegto xadidaysa awoodiisa fulineed iyo kuwa sharci dajineed ee barlamaanka. Sidoo kale, in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii madaxweynuhu saxiixay wixii ka dambeeyay siddeedii February.
Go’aanadan iyo kuwa kale, ayaa ku jiray warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland oo looga hadlayay mowqifka Puntland ee doorashooyinka, kaasoo ka jawaabayay baaqii dowladda federalka ee ahaa in Puntland ay timaado shirka Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*