Latest News

Qaadkii Ugu Badnaa Ee La Qabto Oo Burco Lagu Gubay

Hargeysa, April 29, 2020 (Haatuf) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa qaadkii ugu badnaa ku gubay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, Sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha ku sugan Magaalada Burco.

Talaabadan oo ah dedaalo lagu doonayo in lagaga hortago xanuunka faafaya ee Coronavirus ayay ciidamadu kaga hortagayaan in dalka la soo galiyo Jaad Sharci-darro ah, maaddaama oo la mabnuucay muddo 25 Maalmood ah, si looga taxadiro Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.

Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Saaka dab qabadsiiyey Jaad tiro badan, kaasi oo Ciidammada Ammaanku soo qabteen.

Qaadka la gubay ayaa tiradiisa lagu sheegay 1,070 Marduuf oo ah Qaadka loo yaqaano ‘Dadarta’.

Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa hawl-gal ay Xalay sameeyeen sameeyeen ku soo qabtay Qaadkan iyo gawaadhidii siday oo tiradooda lagu sheegay Saddex.

Maaha markii koowaad ee Qaadka la soo qabtay la gubay, balse Magaalooyinka Wajaale, Hargeysa iyo Laascaanood-ba waxa hore loogu gubay Jaad Sharci-darro loo soo geliyey.

Dawladda Somaliland ayaa Toddobaadkii hore soo saartay Go’aan ay muddo 25 Maalmood ah ku joojisay Jaadkii Ganacsi ahaanta loo keeni jiray Somaliland, Go’aankaasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga gaashaamanayo in Cudurka Covid_19 uu ku faafo Somaliland.

Gudaha Somaliland, Cudurka waxa laga helay 6 Qof,  kuwaasi oo Saddex ka mid ahi ka bogsadeen Xanuunka, sida uu shalay Shaaciyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*