Latest News

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaannada Gobolada Darafyada Somaliland Oo Shalay Ka Baxay Doodda Xeerka Doorashada Oo Socota

Hargeysa, September 1, 2020 (Haatuf) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sanaag-bari iyo Awdal ayaa Shalay ka baxay Xarunta Golahaasi oo ay ka socotay Doodda Xeerka doorashooyinka.

Xildhibaannada oo markii ay dibedda uga baxeen hoolka ay Dooddu ka socotay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Dadkii soo doortay iyo guud ahaan Shacabka Somaliland u sheegayaan in aanay ka qayb-qaadanayn doodda Xeerka doorashada, maaddaama bay yidhaahdeen aan la isku joojinayn oo la is jujuubayo.

Xildhibaan Cabdilaahi Axmed Yuusuf (Axmed-Madar) oo ka mid ah Mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Awdal oo ugu horayn Saxaafadda la hadlay ayaa yidhi  “Annaga oo ah Xildhibaannada Beelaha Darafyada ah waxaanu Shacabka Somaliland u sheegaynaa waxa Golaha ka socota wax dood lagu sheegayo (Doodda Xeerka doorashooyinka), laakiin annagu dibedda ayaanu ka joognaa, markaa Cidda danaynaysa Somaliland, ama Xukuumad ha ahaato ama cid kale ha ahaatee Maanta waxay u baahan tahay in laga bedbaadiyo Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa Somaliland jiritaankeeda, haddaan sidaa la yeelina way kala tagaysaa..”

Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Mudaneyaasha laga soo doorto Gobolka Sanaag ayaa isaguna yidhi  “Annagu hore ayaanu u hadalnay hadduu Hadal wax tarayo, Xeerkaa Doorashada ee dooddiisu socoto waa jiidhsiis, ummaddu ha ogaato annagu dibedda ayaanu ka joognaa, mana galayno haddii la isjiidhsiinayo oo aan isku joojinayn..”

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ee shalay ka dareeray Fadhigii ayaa isagoo ka hadlay sababta keentay arintan iyo waxay tabanayaan yidhi “Annagu waxaanu rabnaa caddaalad iyo in cid kasta oo reer Somaliland ahi ay hesho waxay xaqa u lahayd, anaguna haddii aanu ka mid nahay Mudanenayaasha ka soo kala jeeda Beelaha darafyada, waxaanu rabnaa in aanu helno xaqa naga maqan iyo kuraasta aanu xaqa u leenahay, waxay ahayd in mar horeba tabashadan saami-qaybsiga wax laga qabto, waxaana la awoodaa in wax laga qabto, laakiin looma jeedo, sidaas oo ay tahay anagu ma ogolin Doorasho aan lagu galin saami, iyo Doorasho aanan ku helin saamiga aanu xaqa u leenahay, sidaas darteed ayaanu uga soo baxnay Fadhiga”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*