Latest News

Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Caafimaadka Somalia Oo Diiday Inay Qaataan Tallaalka Covid-19

Muqdisho, March 31, 2021 (Haatufonline) – Wasiirka Caafimaadka Somalia Fowsiyo Abiikar Nuur oo la hadleysay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadku ay diideen in ay qaataan tallaalka ‘Covid-19.

Wasiirka caafimaadka waxay kaloo sheegtay in ay jiraan dad saaxiibadeed ah oo cudurka Covid-19 uu ku dhacay oo qarsanaya islamarkaana diiday in ay is baaritaan oo maraan tilmaamaha caafimaadka ee caabuqa Covid-19.
“Qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa diidey in ay qaataan talaalka ‘Covid-19. Waxaan rabnaa in aan dhahno, qofna ma heli karo shaqo isagoo tallaal la’aanta,” ayay tiri wasiir caafimaadka dalka.
Wasiirka caafimaadka ayaa dowladda ugu baaqday in ay sameyso tallaabooyin dadka lagu cadaadinayo in ay qaataan awaamiirta caafimaadka ee cudurka Covid-19.
Cudurka Covid-19 waxaa tan iyo markii uu Soomaaliya ka bilowday u geeriyooday 520 qof, waxaana sidoo kale uu soo ritay in ka badan 11kun.  
Bilihii February iyo March ee sanadkan ayaa noqday bilihii ugu faafida badnaa cudurka uguna badnaa xagga geerida, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*